GURIGA »
gudaha dalka
» Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay inta bil ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay
in qorshaha dowladda uu yahay in Al-Shabaab dalka looga saaro muddo shan bilood
ah.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay dadweynaha
su’aalo ku weydiiyeen oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaarisay
“qorshooyin cad” oo ay dooneyso inay ku guuleysato shanta bil ee soo socota.
Qorshayaashaas ayaa waxaa ka mid ah in dalka laga xorreeyo Al-Shabaab, ayuu
yiri madaxweynaha.
Waxa uu sheegay in dowladda ay Al-Shabaab cirib-tiri doonto
ama ay baaqi kusii ahaan doonaan kaliya meelo yar yar oo aysan wax dhibaato ah
ka gaysan karin.
Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay sidoo kale wax ka
beddeshay xeeladihii hore ee diiradda lagu saarayey qabsashada magaalooyinka
iyo xaafadaha, ayna hadda u weecatay in maleeshiyada laga xorreeyo baadiyaha,
si aysan u helin fursado ay ciidanka dowladda gadaal kaga soo weeraraan.
Waxa uu sheegay inay wax aan la aqbali karin iyo xushmad
darro ku noqon doonto askarta dhiiggooda daadiyey haddii Al-Shabaab ay dib ugu
soo laabtaan magaalooyinkii laga qabsaday.
Saadaasha madaxweynaha ee ah in kooxda dalka looga xoreyn
doono shan bil ayaa kasoo hormareyso mid uu horey u sheegay la-taliyihiisa
amniga qaranka Xuseen Macallin, oo aheyd xagaagga 2024.
Qorshayaasha kale ee madaxweynaha sheegay inay doonayaan
inay ku guuleystaan bilaha soo socda ayaa ah dhameystirka dastuurka qabyada ah
iyo in laga dhaadhiciyo golaha ammaanka inuu xayiraadda hubka ka qaado
Soomaaliya.
0 Comments:
Post a Comment