Saturday, August 19, 2023

Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay agaasimaha madaxyooyada Soomaaliya

 

Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u Magacaabay Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, kadib markii uu dhawaan is casilay Agaasimihii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cusub ee Madaxtooyada Qaranka in Alle uu u fududeeyo Mas'uuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka, ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ka soo baxay.

Waana Agaaismihii labaad oo Villa Soomaaliya ay yeelaneyso mudada Sanadka iyo dhowrka bilood ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xafiiska joogo.

Waxaa dhawaan is casilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud oo iskiis uga tegay shaqada, wuxuuna maalmo ka hor shaaciyey sababta uu isaga casilay xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka.

Cabdixakiin inta aan loo magacaabin wuxuu la-taliye dhinaca siyaasadda ah u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa digreedada lagu magacaabay lagu shaaciyey inuu leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog