GURIGA »
dhaqaalaha
» Shirkada DP World ayaa dhamaadka sanadkan dhamaystirtay balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso ee Puntland
Wasiirka dekedaha ee maamul goboleedka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya,
Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in DP World la filayo in dhamaadka sanadkan
ay dhamaystirto balaadhinta dekedda Boosaaso ee maamulkaasi.
Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan 366 milyan oo dollar oo ay
maalgelinayso shirkadda DP World, ayaa ka mid ah dhawr xarumood oo ay shirkaddu
ku horumarinayso Geeska Afrika.
“Marka loo eego halka ay ku taallo oo istaraatiiji ah, waa waddo ganacsi oo
lagu soo jiidan karo ganacsatada gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri wasiir Axmed
Yaasiin oo ka hadlayay horumarinta dekedda Boosaaso, isagoo xusay in
ballaarinta labaad ay billaaban doonto sanadka soo socda.
Shirkada DP World ayaa sanadkii 2017 ku guulaysatay heshiis 30 sano ah oo
lagu horumarinayo laguna maamulayo dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta
ganacsiga Puntland, sidoo kale shirkadan ayaa heshiis midkan lamid ah kula
jirta horumarinta iyo maamulida dekeda magaalada Berbera ee dalka aynu jaarka
nahay ee Somaliland.
0 Comments:
Post a Comment