Wednesday, August 16, 2023

Imaaraatka Carabta ayaa bogaadiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ay kula dagaalamayso Al-Shabaab

 

Muqdisho

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bogaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku bixisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ciribtirka musuq maasuqa iyo horumarka lagu gaaray.

Tani waxay ka dambeysay kulan uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Hamzah Abdi Berri, uu maanta oo Talaado ah Xafiiskiisa Muqdisho kula yeeshay Safiirka Emirate-ka Carabta ee Somaliya, Axmed Jumaa Al-Rumaythi.

Intii uu kulanka socday ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga mahadceliyey taageerada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarka iyo arrimaha bini’aadantinimada.

Waxaa xusid mudan xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo ImaaraadkaCarabta. Abu Dhabi ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ugu caansan ee Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog