Tuesday, August 15, 2023

RW Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay mudnaanta dowladda marxaladda deyn-cafinta kadib

 

muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan muhiim oo looga hadlayay jiheynta dhaqaalaha dalka marxaladda deyn-cafiska kadib.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay talo-bixin ay sameeyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka, oo ka kooban lix qodob oo taabanaya qorsheyaasha horumarineed, sare u qaadidda maamulka maaliyadda oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda dakhliga, xakameynta kharashaadka

iyo isu  dheellitirka miisaaniyadda, maareynta deymaha, hufnaanta iyo isla xisaabtanka, nidaaminta shuruucda iyo siyaasadaha ganacsiga dalka iyo xoojinta siyaasadda lacagta ee kaalinta Bangiga Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyay marxaladda uu marayo hannaanka deyn-cafiska Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxa uu faray Wasaarradaha iyo Hey’adaha ku lugta leh inay dardargeliyaan waajibaadka ka saaran dhameystirka qorsheyaasha marxaladda deyn-cafinta kadib.





Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog