GURIGA »
Soomaaliya
» Dowladda Soomaaliya iyo Hay,adda IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi
Shir uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay qeyb
ka yihiin Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa maanta ka
furmay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda,
dib u eegista sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, heerka
siyaasadda dhaqaalaha, iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka ee loo
soo gaabiyo (PFM).
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, wuxuu sheegay in
shirkaan oo ah wajigii labaad oo ay soo qabanqaabisay Hey'adda Lacagta Adduunka
IMF, si weyn loogu lafa-guri doono heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo
dib-u-habayntiisa.
Shirkaan oo socon doono muddo lix maalin ah ayay ka soo qeyb galeen
Wasiirka Qorshaynta, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, qaar ka mid ah Hey'adda
dowladda Federaalka iyo wakiillo ka socda Hey'addaha calaamiga ah ee dhaqaalaha
adduunka.
“Waxaan diiradda saaraynaa si aan wadajir uga shaqayno xoojinta
dhaqaaleheenna mustaqbal ka dhaw. Waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha Dowladda ee
shirka nagala soo qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta, Bangiga dhexe,
Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada." Ayuu yiri Wasiirka
Maaliyadda Soomaaliya.
Bartamihii bishii Agoosto 2022 ayuu wajigii 1-aad ee shirkaan ka dhacay
magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay
hoggaan u tahay IMF, ayaana diiradda saaraya sidii looga dhabayn lahaa
hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda.
Barnaamikja Dayn cafinta ayaa ah mid ka mid ah howlaha adag ee hor yaalla
maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la filayaa in wajigiisa ugu
danbeeya la soo laabo inta uu xafiiska joogo, sida uu sheegay markii la doortay
kadib.
0 Comments:
Post a Comment