GURIGA »
caalamka
» Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay aqbalaada codsiga Soomaaliya ee Dallada (EAC)
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo
dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay
ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo ay qalinka ku
duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa oo ugu horeyn ugu hambalyeeyey shacabka iyo
dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsiga ku aadan ku biiridda EAC Daladda
Bulshada Variga Afrika.
Wuxuu tilmaamay in arintaani ay tahay talaabo wanaagsan oo ka turjimeysa hor u
socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira dhalka qorsheyaasha qaran ee ku
aaddan soo celinta doorkii ay dowladda Soomaaliya ay ku laheyd gobolka iyo guud
ahaan qaaradda Afrika.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale,
amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada
Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday
wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si
uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu" ayaa lagu yiri qoraal kasoo
baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.
Gabagabadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda
dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo Guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka
mid noqoshada Soomaaliya ee dalladan oo fursad u siiyay shacabka iyo dowladda
Soomaaliyeed in ay la midoobaan dalalka la mid ka ah ee ku bahoobay dalladan
(EAC).
0 Comments:
Post a Comment