Sunday, June 4, 2023

RW Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha dalka Jarmalka

 

Wasiir ka socda Jarmalka oo la kulmey RW Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya,sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska

Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Jarmalka ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, markii laga soot ago deeqaha iyo kabka miisaaniyadda dowladda, Jarmalku wuxuu ka qeyb qaataa tababarrada la siiyo ciidamada booliska Soomaaliya.






Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog