GURIGA »
gudaha dalka
» RW Xamse “Hadda waxaynu jeexnay waddo cusub si daahfuran loogu tartami doona boosaska shaqo ee Dowladda”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii
kun ee macallin dowladdu qaadatay oo maanta si toos ah u soo gabagabeysay
Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.
Xukuumadda DanQaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira
kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah furan u fariisisay macallimiin gaaraya
ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii
guulaysatay
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hadafka Xukuumadda DanQaran yahay
horumarinta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, sidaas awgeed Dowladdu
go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato kuwaasi oo ka hawlgeli doona
gobollada dalka, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ka go’an tahay in kor loo
qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax
CabdulQaadir ayaa ka warbixiyey heerarkii qaadasho ee ay soo mareen saddexda
kun ee macallin ee ku guuleystay imtixaannaadkii la qaaday.
Mudane Xamsa ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan
macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah furnaanta leh ee ay u maamuleen,
taasi oo muujinaysa in hadda aynu ka sii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax
lagu qaybsansan jiray, balse hadda aynu furnay wado cusub.
0 Comments:
Post a Comment