GURIGA »
» Xasan Sheekh oo ugu baaqay golaha ammaanka inay Soomaaliya ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa codsi u gudbiyay
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), isagoo ka codsaday inay dib u
eegaan cunaqabataynta hubka ee saaran dalka tan iyo 1992-kii.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xaaladda amniga
Soomaaliya ee xilligan iyo horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al
Shabaab.
"Waxaan garwaaqsanahay in Al-shabaab laga adkaado ay u baahan tahay habab
dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan ciidammo ammaan oo karti iyo hufnaan leh,
geeddi-socod dowlad-dhiseed oo loo dhan yahay, iyo awoodda dowladdu ay u
leedahay inay bixiso adeegyada muhiimka ah ee shacabka," ayuu yiri
Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay Soomaaliya ka gaartay la
dagaallanka maal-gelinta Alshabaab, oo ay ka mid tahay adkeynta xeerarka ka
hortagga lacagaha la dhaqo iyo in la xiro in ka badan 300 oo xisaabaad oo
lacago sharci darro ah lagu siin jiray ururka Alshabaab.
Xasan Sheikh wuxuu ka codsaday ergada UNSC inay u doodaan sidii guud ahaan
looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, isagoo caddeeyay in tallaabadaas ay
Soomaaliya u suurtagelineyso in si wax ku ool ah loola dagaallamo argagixisada.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ay
noqotay mid caqabad ku ah marka loo eego tilaabo wax ku ool ah oo loogu
talagalay dadaallada amniga Soomaaliya. Waxa uu ku dooday in cunaqabateyntan ay
caqabad ku tahay in dalka uu helo awoodaha lagama maarmaanka u ah in si hufan
loola dagaalamo Al Shabaab.
0 Comments:
Post a Comment