Tuesday, March 22, 2022

Klopp iyo ciyaaryahankii dhawaan ku biiray "Casaha"

 Salah iyo Mane midkoodna.. Jurgen Klopp ayaa tilmaamay "ciyaaryahanka mucjisada ah"


Ciyaaryahanka cusub ee loo saxiixay "casaanka", Luis Diaz


Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaan kala dul dhacay xiddiga ay dhawaan la soo saxiixdeen ee Luis Diaz isaga oo ku tilmaamay in uu yahay waxa ugu dhaw ee mucjiso.

25-jirka reer Colombia ayaa bishii Janaayo ee lasoo dhaafay Liverpool kaga soo biiray kooxda Porto, wuxuuna kaga soo biiray 37 milyan ginni.

Diaz waxa u suurto gashay inuu laba gool ka dhaliyo 12-kii kulan ee ugu horeeyay Liverpool, marka laga soo tago bandhigiisa cajiibka ah, taas oo ay uga mahadceliyeen madaxda iyo taageerayaasha kooxda Ingiriiska.

Arintaan ayuu Klopp ku yiri hadal uu siiyay Sky Sports: “ma filanaysid mucjisooyin isla markiiba ciyaartoyda noocaan ah, laakiin taas kama foga”.

“Mar walba waxaa jirta sabab aad ula soo saxiixaneyso ciyaaryahan gaar ah, sababtuna waa qaab ciyaareedkiisa iyo qaabka uu u ciyaaro kubada cagta,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Tababaraha Jarmalka ayaa sii watay: "Waxay ahayd mid gaar ah Lewis .. Markii aan aragnay isaga, waxaan ogaanay inuu isla markiiba la qabsan doono, waxaan halkan ku haysanaa ciyaaryahan kalsooni leh .. Sida caadiga ah tani waa mid aad u adag."

Klopp ayaa sharaxay in Luis Diaz uu si fiican ula ciyaarayay Porto iyo Colombia, “Sababtan darteed, wuxuu Liverpool ku yimid kalsooni buuxda, inkasta oo uu wali la qabsanayo nolosha England”.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog