GURIGA »
caalamka
» MD Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka gaashaandhigga Maraykanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay
xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca
Mudane Lloyd J. Austin.
Austin ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha horumarka dhabta ah ee
uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda
iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka,
sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya
xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa
kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad
ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, isagoo warbixin ka
siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey
deegaanno iyo magaalooyin badan oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen
muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna ka soo maleegayeen falalka arxan darrada ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin
cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska
ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan
amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka
Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda
cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada
Midoobey.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka
ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo
xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo
dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
0 Comments:
Post a Comment