GURIGA »
caalamka
» Wasiirrada Cadaaladda ee Masar iyo somaaliya oo kulan ku yeeshey Qaahira
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar
Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS iyo wafidiga uu hogaaminayo
oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Sulaymaan Maxamuud iyo
Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa
Qaahira kulan miro dhal ah kula qaatay wasiirka cadaaladda dowladda Masar,
mudane Cumar Marwaan.
Kulanka Labada wasiir ay yeesheen ayaa looga hadlay iskaashi dhanka
arrimaha cadaaladda, sharciyadda iyo garsoorka taas oo ay wadajir uga
shaqaynayaan labada dowlad ee walalaha ah.
Soomaaliya Masar iyo masar oo arimo dhaw ah ka wada hadley
Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim ayaa
dhigiisa Masar uga mahad celiyay casuumaadda uu u fidiyey, isagoo bogaadiyay
horumarka dhanka adeegyadda cadaaladda iyo garsoorka ee dalka Masar.
Wasiirrada Cadaaladda ee labada dowladood ayaa caddeeyay muhiimadda ay
leedahay xiriirka taariikhiiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo sida ay labada
dowladood ee walaalaha ah ugu heelan yihiin xoojinta xiriirkaaas waxaana la
isla gartay in la kala saxiixdo heshiis is-afgarad ah.
0 Comments:
Post a Comment