GURIGA »
gudaha dalka
» Howl wadheenka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkii wadatashiga ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho
Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay shirkii wadatashiga
ahaa ee dhawaan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
Maxamuud. Maxamuud iyo madaxdii hore.
Howlgalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “MidowgaYurub waxa uu soo dhaweynayaa shirkii wadatashiga ee dowladda Federaalka ay
dhawaan la yeelatay madaxda hadda jirta iyo kuwii hore ee Soomaaliya.
Dawlad-dhisidda iyo dimoqraadiyaynta ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee
diiradda lagu saarayo Qorshaha Hawl-galka Wadajirka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa madaxdii hore ee Soomaaliya ugu yeeray shir
wadatashi ah oo ay isku weydaarsanayeen aragtiyo ku aaddan xaaladda Soomaaliya,
si ay u dhageystaan fikradahooda ku aaddan amniga, la dagaallanka
argagixisada, dhameystirka dib u eegista dastuurka iyo taabagelinta
dimuqraadiyadda.
0 Comments:
Post a Comment