GURIGA »
Soomaaliya
» 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐞𝐲 𝐝𝐞𝐞𝐪 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 𝐠𝐚𝐫𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚
𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚
𝐢𝐲𝐨
𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚
𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚
𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚
𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚
Dr. Ali Haji Adam 𝐚𝐲𝐚𝐚
𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐞𝐲
𝐝𝐞𝐞𝐪
𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝
𝐚𝐡
𝐨𝐨
𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮
𝐭𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲
𝐠𝐚𝐫𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚
𝐝𝐞𝐠
𝐝𝐞𝐠
𝐚𝐡
𝐭𝐚𝐚𝐬𝐨𝐨
𝐤𝐚
𝐭𝐢𝐦𝐢𝐝
𝐒𝐚𝐥𝐝𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚
𝐂𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧.
Munaasabada lagu gudoomayey deeqda Gaadiidka ah waxaa goob joog ka ahaa
Wasiiru dowlada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, xubno ka socdey Hey'adda WHO, Qunsulka
Soomaaliya ee Saldanada Cumaan iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada
Wasaaradda.
Gawaaridan noocoodu yahay Ambulance-ka ayaa tiradoodu gaareysa 10 Gaari
iyadoo loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed waxeyna qeyb ka yihiin
dalabaadka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya si muwaadiniinteenu u hellaan gar gaar deg deg ah xilli kasta oo ay
suurtagal tahay in loo baahdo.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ayaa Saldanada Cumaan ugu mahadceliyey
deeqdan ay soo gaarsiiyeen iyo dedaalada joogtada ah ee ay la garbtaagan yihiin
walaalahooda Soomaaliyeed ee ku jira soo kabasho dhanka horumarka ah.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya waxaa ka go'an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo
dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo
xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.
0 Comments:
Post a Comment