GURIGA »
caafimaadka
» Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daah furay diwaan galinta Xogta Tallaalka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa daah furey Munaasabadda
Hanaanka casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa ka soo qeygaley Agaasimaha guud ee Wassaaradda
Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaali Dr. Guuleed
Cabdijaliil, xubno ka socdey Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo
Gobolka Banaadir, ku simaha Hey’adda Caafimaadka adduunka(WHO), Dr. Sandani iyo
xubno kale, koox farsamo oo ka socotay HISP Tazania, Save the Children, IRC,
Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Khuburo Caafimaad, iyo marti Sharaf kale.
Barnaamijkaan, ayaa ah mid muhiim u ah xogta Caafimaadka dalkeena iyo
Tallaalka Ubadka, waxa uuna sahli doonaa in xogta Tallaalka loo helo si fudud
oo tixraac leh, iyadoo la marayo hanaanka Istaraatiijiyadda loo qorsheeyey
barnaamijkan cajiibka ah, waxa uuna qeyb ka yahay hiigsiga horumarinta
Caafimaadka guud ee dalkeena si loo gaaro yoolka fog ee ku aadan casriyeynta
Caafimaadka Soomaaliya.
Munaasabadda, ayaa lagu soo bandhigey daraasado laga sameeyey muhiimadda uu
lee yahay Hanaankan casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka iyo
faa’idooyinka uu si gaar ah ugu lee yahay bulshadeena, maadaama hanaanku yahay
mid lagu kalsoonaan karo dhinaca ururinta xogta iyo meelaha sida gaarka ah
loogu baahida qabo taasoo soo afjareysa xog hubanti la’aan ah iyo in la kala
garan waayo Caruurta Tallaalka qaadatey iyo kuwa aan qaadan.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya waxa ay xoogga saaraysaa islamarkaana ka go’an in dalkeenu gaaro
isku filnaasho dhinaca Caafimaadka ah iyo sidii dhammaan dadka ka shaqeeya
qeybta Caafimaadka Soomaaliya ay u heli la haayeen khibrad dheeri ah si ay u
daboolaan baahiyaha Caafimaad ee dalkeena ka jirta.
0 Comments:
Post a Comment