GURIGA »
gurmadka
» Hay’adda SoDMA oo deeq daawo ah gaarsiisay deegaanka Janaale
Degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose oo sameen adag ay ka soo
gaartay daadadka ElNino ayaa maanta hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka
waxa ay gaarsiisay shixnad Daawo ah.
Degaanka Janaale ee hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha
Hoose waa degaan Illaahay ku manaystay Webbi,Beero wax-soosaar, dalxiis iyo
khayraad kale oo muhiim ah, ayaa waxaa ka jirta haatan xaalad adag oo dhanka
nolasha ah oo ay wajahayaan shacabka Janaale.
Degaankaan waxaa sameen adag ka gaystay fatahaadaha El-Niño, waxaana
inta badan magaladaas fadhiya wali biyo aad u farabadan, waxaana maanta kormeer
u kuurgalidda xaladaha halkaas ku jira ku tagay Senator Xuseen Maxamed Daahir,
Agaasimaha waaxda Cafimaadka SoDMA Cabdullaahi Muuse Axmed, Masuuliyiin ka kala
socday machadka Cafimaadka Qaranka iyo hay’adda PAC.
Hay’adda SoDMA oo ka Jawaabaysa xaladaha Beni’aadannimao ee ka jira
degaankaan ayaa waxa ay maamulka Janaale ku wareejisay shixnad daawo ah,
madaama xaalad cafimaad darro ay degaankan ka jirto., iyadoo uu deeqdaan ka
mahadceliyey Guddoomiyaha Janaale Cabdiraxmaan Al-cadaala oo Masuuliyiintan soo
dhaweeyey.
0 Comments:
Post a Comment