GURIGA »
muqdisho
» Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka daah-furay Shir looga hadlaayo dardargalinta iyo dib u eegista Howlaha Hay’adda
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim
ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu ka daah-furay shir looga hadlaayo
dardargalinta shaqada iyo Dib u eegista Howlaha SoDMA kaas oo socon doono muddo
Saddex cisho ah.
U jeedka shirkaan ayaa ah gorfeynta howlihii SoDMA u qabsoomay sanadkaan
sii dhammanaya ee 2023, in la helo qorsho siyaasadeed oo shaqada hay’adda lagu dardargalinayo,
daadajinta shaqada hay’adda,
waxaana goob joog ka ahaa shirkaan Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda
Maareynta Dr Axmed Cabdi Aadan, Lataliyayaasha Hay’adda, agaasimayaasha
waaxyaha kala duwan iyo qaar ka mid ah howlwadeennada hay’adda.
Maalinta 1-aad ee shirkaan ayaa la soo bandhigay doodo looga hadlayey sida
ugu wanaagsan ee shaqada hay’adda loo dardargalin karo looguna hagaajin karo
howlaha sanadka cusub hay’adda u yaal.
0 Comments:
Post a Comment