GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u fadhiya
Soomaaliya Ambassador Valentin Zellweger, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta
xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay.
Inta uu socday kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa
waxaa looga hadlay koox ka socota gobolka iyo beesha caalamka oo dano gaar ah
leh.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojintaxiriirka diblumaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay daneeyayaasha
muhiimka ah ee caalamiga ah si loo wajaho caqabadaha guud loona horumariyo
nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay
taageerada joogtada ah ee Switzerland iyo ka qayb qaadashada dadaallada nabadda
iyo horumarka ee Soomaaliya. dadaallada xallinta khilaafaadka.”
Danjire Valentin Zellweger ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay Switzerland uga
go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, waxayna carrabka
ku dhufatay muhiimadda ay leedahay wada-hadalka iyo iskaashiga si loo wajaho
caqabadaha gobolka. Wuxuu carabka ku dhuftay
sida ay Switzerland uga go’an
tahay mudada dheer inay taageerto dadaallada nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda
Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo is-garab istaag iyo
kaalmo joogto ah oo caalami ah.
0 Comments:
Post a Comment