Wednesday, January 24, 2024

๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ก๐ž๐ข๐ค๐ก ๐™๐š๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ.

 

Wasaaradda Caafimaadka

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay dib u howlgelinta Isbitaalka Sheekh Zayed ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xamsa Berri, oo uu wehliyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, ayaa kormeeray qaybo badan oo ka mid ah isbitaallada, isagoo bogaadiyay taageerada Imaaraadka ee dib u howlgelinta isbitaalka.

Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa ah Isbitaal wayn oo ka qeyb qaadanayo adeeg bixinta Caafimaadka ee ay u hamuun qabaan bulshadeena, waxa uuna sidoo kale qeyb ka yahay dedaalada iyo horumarada dhinaca Caafimaadka, iyadoo ay tani muujineyso ahmiyadda ay lee dahay taageerada lagu bixiyo qeybaha Caafimaadkaiyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa dib howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid uga mahadcelisey Dowladda Imaaraadka Carabta kaalinka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalkeena.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.

 








Share:

Related Posts:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog