GURIGA »
Soomaaliya
» Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Garoowe maalmaha soosocdo
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegi doona magaalada
Garoowe ee caasimada Puntland, si uu uga qeyb-galo caleema saarka madaxweynaha
dib loogu doortay maamulkaasi ee Saciid Deni.
Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka
Puntland oo gacanta ku haysa qaban-qaabada xaflada caleema saarka Deni,
madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay munaasabadda.
Madaxweyne Xasan ayaa aqbalay casuumadda, taasi oo ka dhigan in
madaxweynaha uu dhawaan tegi doono magaalada Garoowe oo ay hadda ka socoto
qaban-qaabada xaflada caleema saarka madaxweyne Saciid Deni.
Munaasabadda caleema saarka ayaa sidoo kale waxaa lagu casuumay Madaxda
dowlad-goboleedyada dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Madax hore iyo Siyaasiyiin,
iyo weliba sidoo kale wafuud ka socota daafaha caalamka.
Dhinaca kale, waxaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray magaalada Garoowe madax
kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka ah madaxda ku casuumada xaflada caleema saarka
madaxweynaha Puntland.
Xubnaha tegay Garoowe waxaa kamid ah ma’uuliyiin ka tirsan dowladda
federaalka oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka baxay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Garoowe,
halkaas oo lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha
magaaladaasi.
Si kastaba, Khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland
ayaa weli halkiisi ah, waxaana la filayaa in kadib dib u doorashada Deni ay
dowladda federaalka ay muujiso dabac siyaasadeed, si loo soo afmeero khilaafka
dabada dheeraaday ee Puntland iyo dowladda dhexe.
0 Comments:
Post a Comment