GURIGA »
somalia
» Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku wajahan dalka Masar.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa Casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar mudane, Abdel
Fattah el-Sisi.
Marti-qaadka ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka
socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo kulan
la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar garab istaagga buuxa ee ay u
muujisay Dowladda Soomaaliya.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo
aaddan halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa Masar, iyagoo diiradda
saari doono xiriirka taariikhiga iyo walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal,
waxaa sidoo kale ay ka hadli doonaan xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay ee la
xiriira damaca liita ee dowladda Itoobiya.
Dawladda Masar ayaa safka hore kaga jirta dalalka sida weyn uga hor yimid
damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda
Soomaaliya, iyadoo dowladda Masar adkaysay in ay waajib tahay in la ilaaliyo
midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
0 Comments:
Post a Comment