GURIGA »
muqdisho
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray doorashada Puntland iyo guusha Saciid Deni
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashada uu
markale ku guuleystay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee maanta ka dhacday
magaalada Garoowe.
Madaxweyne Xasan ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dib loo doortay ee
Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagq oo u rajeeyey in uu ku guleysto
waajibaadka loo igmaday.
Sidoo kale wuxuu u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba,
xasillooni buuxda iyo horumar, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda federaalka Soomaaliya
ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka
maamulka Puntland.
Ugu dambeyntiina wuxuu ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo,
guddiga doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii
ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.
Dib u doorashada Deni ayaa kusoo aadeysay ayada oo weli halkiisii uu yahay
khilaafka xoogan ee kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid
Deni, kaasi oo gaaray heer ay Puntland sheegtay inay u dhaqmayso sida dowlad
madax-banaan oo kale.
Si kastaba, Saciid Deni ayaa maanta mucaaradkiisa ka adkaaday, isaga oo
helay codad gaarayaa 45 cod, halka musharraxii wareegii u dambeeyay la
tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod.
0 Comments:
Post a Comment