GURIGA »
muqdisho
» Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee 5-ta sano
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee
shanta sano (2024-2028),
taasoo diiradda saareyso fursadaha iyo ka gudubka caqabadaha si loo gaaro
yoolalka horumarineed iyo ujeedooyinka istaraatiijiyadeed iyo xoojinta hawlaha
Wasaaradda ee dhinacyada horumarinta iyo isku-dubbaridka qorshaynta siyaasadda
horumarinta qaranka iyo qaybaha wax ku oolka ah.
Waxaa si rasmi ah Istiraatiijiyadda u daahfuray Wasiirka Qorsheynta,
Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh
Faarax (Beenebeene) iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed
Cabdiqaadir Cali, iyadoo munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ay ka
soo qeybgaleen Xildhibaannno ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka
Federaalk Soomaaliya, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo hawlwadeenada
Wasaaradda.
Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee shanta sano waxay hubinaysaa in
Miisaaniyadda Qaranka iyo taageerada uu dalka ka helo bah-wadaagta horumarineed
ay la jaan-qaadaan mudnaanta horumarinta qaranka. Qorshahan oo ah hab wajiyo
badan leh ayaa mideynaya qorsheynta, isku dubbaridka, maalgashiga, iyo
iskaashiga istiraatijiyadeed si loo gaaro himilada Wasaaradda ee qorsheynta iyo
horumarinta dhaqan-dhaqaale oo waara.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire oo faahfaahinayay
Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda ayaa sheegay in Istiraatiijiyadan ay hagi doono
hawlaha Wasaaradda, islamarkaana ay waafaqsantahay qorshaha Xukuumadda
Dan-Qaran.
Qorshahan ayaa ah mid lagu fududeynayo horumarka dhaqan-dhaqaale ee
Soomaaliya, isla markaana uu hormuud u noqon karo xaqiijinta himilada
Wasaaradda.
0 Comments:
Post a Comment