GURIGA »
muqdisho
» Madaxwayne xasan Oo Mar Kale Ku Celiyay In Dalkiisu Diidmo Cajiib Ah Ku Diidayo Heshiiskii Is Afgarad Ee Ay Kala Saxeexdeen Itoobiya Iyo Somaliland
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha ee
kaga hadlay xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka
Soomaaliyeed.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo
ay joogaan in ay u midoobaan dhowrista sharafka iyo difaaca madax-bannaanida
iyo qaranimada dalka Soomaaliyeed.
“Waxan umahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed siday uga dhiidhiyeen meel
walba oo ay joogaan xadgudubka Itoobiya, waxaan rabaa in aan kaliyah caddeeyo
in dadka Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya degan aad iyo aad ayaan ugu
kalsoonahay in aysan qabin dhulka Soomaaliya in qeybo ka mid ah la bixiyo,
sheekada lagu saleeyay is afgaradka waa dhul la bixiyay”.
Madazweynaha ayaa ku nuxnuxsaday in u yahay been abuur wax lagu tilmaamay
in la kireyay badda balse ay tahay heshiis lagu bixiyay dhulka oo Itoobiya
loogu gacan galinayay,waxa uu intaas ku daray in aan dhul la kirayn lagana
heshiin madaxweynuhu.
20KM oo Badda cas ka bilaabtah oo xudud beenadka Itoobiya gasha waa la
kireyay meel ay macquul ka tahay ma jirto,dadka waqooyiga
Soomaaliya degan raali kama ahaa oo waa ay nala soo hadlaan
masuuliyiintooda,shacabkana waan aragnay oo waa kuwaa taagan oo diidan,gayiga
dhulka Soomaaliyeed dadkii naga horeyayna ma bixin anaguna ma bixin kuwaa naga
danbeyana ma bixin karno, cid xaq uleh oo bixin karta 1Meter oo dhulka
Soomaaliyeed ah ma jirto,in nala hadalo ayaaba danbi ah,waxa sidaasi yirii
madaxweyne Xasan Sheekh.
“Dowladda Itoobiya isma aanan dooran in aan daris ahaano,waana la garanaya
tariikhdii na soo dhexmartay Itoobiya,intaan inagoo ka taag yar oo istacmaar na
haysto oo aanan dowlad ahayn ayeey dalkaan qaadan weyday oo ay marar badan isku
dayday mana ahaa midkii ugu horeyay isku daygaan oo u damaceedu ahaa in ay
Banaadir hawo ka gashay,ciidankeediina lagu jabiyay Balcad marka ay soo gaareen
oo dib loogu celiyay meeshay ka yimadeen intaasna waxay u maraysay sidii ay u
heli lahayd Badd.
Xage lagu arkay diyaarad iyo gacansi dhul lagu badalanayo imasa la arka
diyaarado caalamiyah oo qasaaray balse dhul laguma qaasaaro mana guuro,dhulku
waa dhaxal tooyo Awoowayaasheen laga soo gaaray,sida aan u dhaxalanay ayaa
nalooga sii dhaxalaya jiilba jiilka ka danbeya uga dhaxali doonaa,walaalayaal
dadka indheer garadka ah ee waqooyiga Soomaaliya degan dhul Soomaali ay
leedahay laguma badalan karo diyaarada iyo isgaarsiinta ay Itoobiyo iyagoo la
isku darayna laguma badali karo.”sidaas waxa yirii Xasan Sheekh.
0 Comments:
Post a Comment