GURIGA »
muqdisho
» RW Xamsa oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka
Islaamka, ayaa sheegay in machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan
diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in aqoonyahanka ka howlgalaya machadkani ay ku
yimaadeen tartan furan, taas oo ka tarjumeysa sida ay Xukuumadda DanQaranmudnaanta u siineyso daah-furnaan iyo in aqoon lagu tartamo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xaruntani loo aas-aasay kobcinta diinta
Islaamka iyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan aqoonyahan faham buuxa u leh
axkaamta kala duwan ee shareecada Islaamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha
Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare —hirgelinta
Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, isaga oo faray in xaruntani ay
noqoto mid tayo leh oo u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadii ay ku shaqeyn
lahayd.
0 Comments:
Post a Comment