GURIGA »
muqdisho
» Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka
Hay’ada Maareynta Masiibooyinka oo qaabishay Hay’ado Caalami ah
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud
Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda
Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) oo ay hoggaaminaysay
madaxa hay’adda ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay howsha ka hortagga
leexsashada gargaarka, arrimaha u adkaysiga aafooyinka, Xasilinta deegaannada
la xoreyay iyo arrimaha la xariira abaaraha soo noqnoqday
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa aad uga mahadceliyay Hay’adda USAID
hawlaha gargaar iyo horumarineed ee ay ka waddo dalka, isagoo ballanqaaday
dhankiisa in la sii xoojin doono ka mira dhalinta qodobbadii laga wada hadlay.
0 Comments:
Post a Comment