GURIGA »
muqdisho
» Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Ingiriiska
Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka
ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska James Stephen
Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga
gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada oo
hadda maraya heer wanaagsan.
“Tallooyinkaasi oo suurta-galisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag
oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo
baxay Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa uga mahad-naqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka
ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku
diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha
ka harsan ciidamada ATM.
Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen
ayaa dhankiisa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu
tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta
iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliyaiyo UK.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo ay
haatan taageero caalami ah u raadinayso, waxaana heer geba-gebo ah maraya
wejiga hore ee dagaalka, oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan,
loogana qabsaday degmooyin iyo deegaano muhiim ah oo ay sanado badan ka
talineysay.
0 Comments:
Post a Comment