GURIGA »
muqdisho
» Duqa Muqdisho oo Casuumaad u sameeyay Ganacsato u dhasheen dalka Kuwait
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf
Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay Ganacsato iyo
Maalgashadeyaal u dhashay dalka Kuwait kuwaas oo Magaalada Muqdisho u yimid
sidii ay Maalgashi u sameyn lahaayeen.
Kulankan casho sharafta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka
Amniga iyo Siyaasadda gobalka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka
Banaadir, Xildhibaano, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Degmada
Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.
Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa
Ganacsatada reer Kuwait warbixin guud ka siiyay horumarada ka jira Magaalada
Muqdisho iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira Caasimadda.
Maalgashadeyaasha reer Kuwait,ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho soo dhaweynta iyo sida loogu soo
bandhigay fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka.
0 Comments:
Post a Comment