GURIGA »
muqdisho
» Guddoomiyaha hey'adda maareynta musiibooyinka SOdMA oo lagu soo dhaweeyay London.
Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa lagu
qabtay koofurta magaalada London kaas oo lagu soo dhaweynayay isla markaana uu
kula hadlayay.
Intii uu socday kulankan ayay warbixin uga dhageysteen jaaliyadda xaaladda
dalka uu ku sugan yahay, sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay gacan uga geysan karto
gargaarka ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.
Max'ed Cumar Macallin "Wayaaka" oo isna ah Xoghayaha arrimaha
dibedda ee hey'adda SoDMA ayaa isna ku bogaadiyay dadaalka jaaliyadda ay ku
dooneyso in ay dadkooda la qeybsadaan dhibaatada.
Guddoomiye Max'ud Macallin ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka ay wajahayaan
shacbiga Soomaaliyeed wuxuu kula dardaarmay in ay ay gacan ka geystaan
dadaallada lagu badbaadinayo dadka ay saameynta ku yeelatay dhibaatada ka
taagan dalkeenna.
0 Comments:
Post a Comment