GURIGA »
» Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa
maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay
Catriona Laing.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa
ahaa mid miro-dhal ah oo looga wada-hadlay arrimaha horumarinta maaliyadda iyo
dhaqaalaha Soomaaliya, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulanka.
Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday guushii dowladda Soomaaliyaha ee
nnaanka deyn cafinta oo muddo dheer kadib soo gaba-gaboobay daba-yaaqadda
sanadkii
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo saaray qoraal kooban bartiisa X
(ex-Twitter) ayaa waxa uu ku sheegay in ay isla meel dhigeen Wakiilka UN-ka
ahmiyadda ay leedahay in ay ka wada-shaqeeyaan horumarinta iyo kobcinta
dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona ayaa dhankeeda
sheegtay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu diyaar u yahay xoojinta
wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday sida ay Qaramada Midoobay dadaal ugu
bixinayso kor u qaadista taageeridda qorshayaasha dib-u-habeynta maaliyadda iyo
horumarinta dhaqaalaha dalka.
Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumarka ka sameeynaysay
dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo dowladda Xasan
Sheekh ay ballan-qaaday xoojinta la-dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta
hiigsiga “isku filnaansho dhaqaale”.
0 Comments:
Post a Comment