GURIGA »
muqdisho
» Soomaaliya oo laga cafiyay deymihii ay ku lahaayeen waddamada la isku yiraahdo Paris Club
Soomaaliya oo 99% laga cafiyay deymihii ay ku lahaayeen waddamada la isku
yiraahdo Paris Club
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale guul wayn ka gaartay
barnaamijka dayn cafinta, kadib markii Naadiga Paris uu cafiyay 99% daynmihii
uu ku lahaa Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray
dadaallada ay dowladda federaalka ku dooneyso inay dib ugu biirto nidaamka
maaliyadeed ee caalamka.
Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska,ayaa waxaa ku sugan wafti uu horkacyo
wasiirka maaliyada Soomaaliya iyadoo halkaas lagu soo gebagebayay wada
xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeelanay waddamada ku middoobay naadiga
Paris ( Paris club)
oo ku lahaa Soomaaliya lacag ka badan 3.1 billion oo doolar, iyada oo laga
duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa toban ka waddan ee ku
bahoobay Naadiga Paris ay kala saxeexdeen heshiis lagu dhaafayo dentii ay
Soomaaliya ku lahaayeen.
Tallaabadan ayaai waxay ka dhigantahay in Naadiga Paris Club ay u dhaafeen
xaddi deyn oo ah in ay ka cafinayaan lacag dhan 1.2 bilyan oo dollar, taas oo
ka badan intii ku waajibka ku ahayd hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt
relief) ee loo yaqaan HIPC.Si loo sugo dhammaystirka hannaankan
Qorshahan ayaa waxaa sii xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo dal kasta
lala gali doono, si ay si rasmi ah daynta uga masaxaan buugaagtooda.
Waxay tani marag ka tahay horusocodka joogtada ah ee dadka iyo Dawladda
Soomaaliyeed ay ka samaynayaan dawladnimada dhiska, koboca dhaqaalaha iyo
maamul wanaaga.
“Waxaan ku boggaadinayaa dalaka daynta inaga dhaafay deeqsinimadooda iyo
garab istaagooda” ayuu yiri Biixi Imaan Cige oo ah Wasiirka Maaliyadda
Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaan joogna magaaladda Paris ee dalka
Faransiiska oo aan kaga qeyb galayno wadda xaajood aad u ballaaran oo aan
la yeelanayno naadiga Paris Club oo ay ku midaysan yihiin 10-ka dal ee deymaha
ugu badan nagu lahaa,Soomaaliya waxay soo martay geedi dheer oo ahaa
hanaan dib u dhis iyo qaabeyn hay’daha dowladda ah”.
Bishii Diseenbar ee sanadkii la soo dhafay 2023, waxaa Hay’ada Lacagta ee
IMF iyo bangiga Aduunka ay ku dhawaaqeen in ay Soomaaliya soo buuxisay
sharuudaha deyn cafinta si ay u hesho deyn cafin dhameystiren, intaas ka dib
waxaa waajib noqtay in aan wadda xaajood la bilowno dalalkii deymaha nagu lahaa
oo ay mudnaanta lahayeen naadiga Paris Club.
0 Comments:
Post a Comment