GURIGA »
muqdisho
» Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed UK
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyey UK
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud
Macallin Cabdulle oo howlo shaqo u jooga dalka UK ayaa kulan soo dhaweyn ah ay
u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London.
Guddoomiyaha ayaa Jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka iyo dadaallada
beni’aadannimo ee socda, isagoo u soo bandhigay in ay ka qeyb qaataan
wax-ku-darsiga sanduuqa dhaqaale ee loo furayo hay’adda si awood loogu yeesho
ka jawaabista gargaarka deg-degga ah.
Jaaliyadda ayaa si weyn uga mahadcelisay sida ay SoDMA ugu gurmatay
dadka gobolka Sool xilligii colaadaha, halka guddoomiyuhu ku boorriyay in ay
xoojiyaan garab istaagga dadka nugul ee dalka ku sugan, kuwaas oo wajahaya
nolol adag oo gacan qabad u baahan.
0 Comments:
Post a Comment