GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud yaa ka qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya. oo ka dhacay dalka Belgium
Madaxweyne Xasan oo Midowga Yurub hordhigay dalab muhiim ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa halkaas uga
qayb-galay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.
Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka wuxuu kaga hadlay hindisaha
dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo
gargaarka deg-degga ah ee Midowga Yurub.
Waxa uu ka dalbaday Midowga Yurub in kaalmada bini’aadanimo ee siiso
Soomaaliya loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi, si dalkeenna u
gaaro isku filnaasho gudaha ah, ama ugu yaraan uga maarmo ku tiirsanaanta
kaalmo caalami ah.
Guulaha ay gaareen ciidanka dalka
Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay
in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab,” ayuu yiri
madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinay
waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku
sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad
cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.”
Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa
magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib
loo soo doortay hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab.
0 Comments:
Post a Comment