GURIGA »
somalia
» Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka arrimaha deegaanka ee ka socda dalka Jabuuti ayaa ugu baaqay dalalka gobolka in si dhow ay isaga kaashadaan caqabadaha ka dhalan kara isbedelka cimilada.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka
jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay
qorshaha Soomaaliya ee ku aadan ka hortaga xaalufinta iyo nabaad-guurka
deegaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dul istaagay saamaynta baaxada leh ee
isbedelka cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya,
wuxuuna tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan
wada-shaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada
isbadalaysa.
“Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli
roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan
xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda
dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada,” ayuu yiri.
Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaa dhawaan daah-furnay Hindisaha Qaran ee
Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u
cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”
Shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti oo kasoo qeyb-galeen
wafuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka, ayaa waxa la iskula
meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka
cimilada ee wadamada gobolka.
Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray xarunta
cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.
0 Comments:
Post a Comment