GURIGA »
gurmadka
» Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha
Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqay gurmado dag-dag ah
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed
Jaamac ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay'adda Maareynta iyo
Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, waxaana halkaasi kusoo
dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka Dr
Axmed Cabdi Aadan.
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xaalad
deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay
fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka xoogan ee ka da'aya inta badan
gobolada dalka.
”Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo
roobab xoogg leh oo ka da’aya gobolada dalka, xog aan hayno dhimashu waa ilaa
10 qof" ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.
R/W ku-xigeenka dalka oo sameeyeen daadadku
Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaare ku xigeenka dalka in dowladdaFedaraalka ay ku jirto dadaalo la xariira sidii gurmadyo loo gaarsiin lahaa
dadka ay saameeyeen dhibaatada fatahaadaha iyo roobabka ka dhashay..
Gabagabadii Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed,
gaar ahaan ganacsatada iney taageero iyo garab istaag u muujiyaan dadka Soomaaliyeedee dhibaatada ka soo gaartay daadadka iyo fatahaadaha ee xaaladaha deg deg ah
ku jira.
0 Comments:
Post a Comment