GURIGA »
muqdisho
» Dagaal jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Mudug
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay aroornimadii
hore ku dhexmaray deegaanka Shabeellow ee gobolka Mudug ciidamada dowladda iyo
kuwa Ururka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Shabaab ay weerar
xoogan oo qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa
dadka deegaanka ku leeyihiin Shabeellow.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in
weerarka Al-shabaab ay ka hortageen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka
deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda, islamarkaana jab xoogan lagu
gaarsiiyay kooxda.
Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 21
ka mid ah xubnahii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Shabeellow.
"Ciidaa Xogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyada xaq-udirka
deegaanka ayaa ka hortegay qorshihii maleeshiyaadka naf la caariga ah, waxaana
dagaalka looga dilay in ka badan 21 maleeshiyaad ah, waxaana laga gubay 4 gaari
oo mid ka mid ah uu yahay gaari Biijii ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo
baxay dowladda
Deegaanada dhaca Koonfurta gobolka Mudug waxaa dhowrkii bilood ee lasoo
dhaafay ka socday howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada
gobolkaas, waxaana howlgalaasi kooxda looga xureeyay deegaano badan oo ay horay
uga talin jireen kooxda.
0 Comments:
Post a Comment