Thursday, February 1, 2024

Madaxweynaha JFS oo dalka Isu-tagga Imaaraatka kaga qeyb galay shir ku saabsan Amniga Soomaaliya

 

xasan oo ka qeyb galaya shir looga hadlayo amniga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay amniga Soomaaliya oo ay martigelisay dowladda Imaaraadka Carabta.

Shirkan oo dhacay Arbacadii shalay ayaa waxaa ka qeyb galay dalalka Soomaaliya ka taageera amniga, sida Imaaraadka, Qatar, Mareykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirka diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo isku xirka kaalmada caalamiga ah ee dhanka ammaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasiloonida gobolka, lagana fogaado in la wiiqo guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro argagixisada, taasoo uu sheegay in aan la gaari doonin haddii aan la ixtiraamin madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhamaadkii sanadkii hore ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York Shirkii Amniga Soomaaliya, kadib markii laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saarneyd dalka, kaasi oo looga hadlayay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa isku filnaansho amni. iyada oo loo marayo dhismaha iyo qalabaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog