GURIGA »
muqdisho
» Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay Saraakiisha Walaalaha Imaaraatka ee ku geeriyootay weerarkii Muqdisho
Madaxweyne Xasan
Sheikh oo isbitaalkii digfeer ku booqday saraakiishii ku dhaawacmay weerarkii
xerada Goordan
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka Digfeer ku
booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee ku dhawaacmay toogashadii ka
dhacday Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa dowladda Imaaraatka uga tacsiyeeyay saraakiisha ku naf
waayey weerarka ka dhacay xerada Goordan, kaddib markii askari katirsanaa
ciidanka amniga ee xerada Goordan uu rasaas la beegsaday saraakiisha Imaaraatka
Carabta ka hor inta aan isaga la dilin.
Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay saraakiisha geeriyootay iyo kuwa
dhaawacmay inay ahaayeen kuwa dalka u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska
Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan, isagoo faray Laamaha
Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa falkan foosha xun ee lagu dilaysaraakiishan waqtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib u dhiska
ciidamadeena. “Waxaan ballan qaadaynaa in tallaabo adag laga qaadi doono cid
kasta oo soo abaabushay falkan foosha xun,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta
taageerada ay ka geystaan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
0 Comments:
Post a Comment