GURIGA »
muqdisho
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed
Madaxweyne Xasan
Sheekh oo Culimada Soomaaliyeed kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada
Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo
argagixisada Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u
dhigay dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an
tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo
argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka
taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada
iyo difaaca dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga
xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed
oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay
muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka
wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku
dhuumaaleysanayaan argagixisadu.
Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad
dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo
soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.
Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta XFSmudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada
soomaaliyeed.
0 Comments:
Post a Comment