Thursday, February 8, 2024

Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu beegsadey sooqa bakaaraha

weerarkii  lagu beegsadey sooqa bakaaraha

Imaaraatka Carabta ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Argagixiso ee shalay oo Talaado ahayd ka dhacay Suuq caan ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah oo aan waxba galabsan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta uu si weyn u cambaareynayo falalkan dambiyada ah iyo dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada, iyo argagixisada ee looga dan leeyahay in lagu qalqal geliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, iyo qoysaskii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay fal-dembiyeedkaas, waxayna u rajeysay dhammaan kuwa ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog