GURIGA ยป
muqdisho
ยป Wasiirka Caafimaadka oo gaadiid ku wareejiyay Taliska Asluubta iyo Gobalka Banaadir
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐
๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐
๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐
๐
๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐
๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐
๐จ๐จ
๐ ๐๐๐๐ข๐ข๐
๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐
๐ค๐ฎ
๐ฐ๐๐ซ๐๐๐ฃ๐ข๐ฌ๐๐ฒ
๐๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐
๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐
๐๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐๐ญ๐
๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐
๐ข๐ฒ๐จ
๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐
๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐
๐๐๐ง๐๐๐๐ข๐ซ.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta labo Gaari oo nooca
gargaarka deg degga ah oo loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku
wareejiyey Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed Guddoomiye kuxigeenka arrimaha
bulshada Maamulka gobolka Banaadir halka hal gaari oo kalena uu ku wareejiyey
Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Wareejinta Gawaaridan qalabeysan ee loogu talagaley gargaarka deg degga ah
waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka
bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen,
agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, xubno
kale oo ka socdey maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Asluubta.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda
Federaalka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax
badan ka tari doonaan qeybta Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska
Ciidamada Asluubta isagoo sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo
daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta
horumarinta Caafimaadka guud ee dalkeenna.
Dhankooda Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad
Cabdiraxmaan Aadan iyo Guddoomiye ku xigeen arrimaha bulshada Maamulka Gobolka
Banaandir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa si wadajir ah uga
mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey waxa ayna wada tilmaameen in loogu
adeegi doona qeybaha loogu talagaley.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya waxaa ka goโan wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka
iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka
horumarinta Caafimaadka Qaranka.
0 Comments:
Post a Comment