Tuesday, February 6, 2024

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐ž๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š.

 

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐ž๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Feceraalka Soomaaliya H.E dr ali haji adam ayaa ka qeybgaley kulan uu shirguddoominayey Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo looga hadlayey horumarinta karaanka bulshada kaas oo ay goobjoog ka aheyd Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi oo maanta dalka soo gaartay.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Waaaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil iyo agaasimayaal kale.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha Istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada iyo sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.

Madasha waxaa sidoo kale lagu lafagurey muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed taasoo hoga tusaaleynaysa yoolka Soomaaliya ee ku aadan horumarinta guud ee dalka iyo in Umadda Soomaaliyeed hesho natiijada dedaalada ay gardaadineysa dowladda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.

 



Share:

Related Posts:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog