GURIGA »
Soomaaliya
» Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa S/Guuto Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay
magaalada Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska
Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).
Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay
Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka
soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.
Magacaabistan ayaa timid, kadib soo jeedin ka timid, Wasaaradda Amniga
Gudaha, ayada oo goluhuna uu ku raacay, kadibna asnixiyay magacaabista taliyaha
cusub
Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku
jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo
dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.
Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii
dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore
Taliyaha cusub ayaa waxaa la sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada
Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, waxayna todobaadkan
oo kaliya ay laba weerar ka fulisay caasimadda, waxaana mid kamid ah lagu
beegsaday xarunta gobolka Banaadir, halka kan kalena oo ah hoobiye lagu
garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada.
Dhana kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha
warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga
xoreynayo Shabaab.
Labada Wasaaradood ayaa sheegay in toddobaadkan guulo waawayn ay ciidamada
qalabka sida iyo dadka deegaanku ka gaareen dagaallada ka socdo gobollada
dalka.
0 Comments:
Post a Comment