Saturday, March 18, 2023

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis kala saxiixday

 

Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa kala saxiixday heshiis lagu tayaynayo ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada Kumaandooska Danab.

Wasiirka Difaaca ayaa xusay in heshiiskan uu yahay mid lagu xoojinayo  tababarada iyo Qalabeynta ciidamada xoogga ee Kumaandooska Danab, isla markaana lagu qalabeynayo, si ay uga jawaabaan qataraha ka imaanaya Al-Shabaab  iyo in la dhiso awoodda ciidamada kumaandooska ee Danab.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya  ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab

 


Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog