Monday, September 5, 2022

M/AFRIKA oo ergey cusub usoo magacaabay Somalia kadib cayrintii MADEIRA

 

Somalia

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa danjire Mohammed El-Amine Souef u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa timid ka dib markii bishii April ee la soo dhaafay la ceyriyay wakiilkii Midowga ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasoo ra'iisul wasaarihii xilligaas Maxamed Xuseen Rooble uu u magacaabay "persona non grata" sababtoo ah waxa uu yiri "ku lug lahaanshihiisa falal aan waafaqsanayn" isagoo xilkiisa wakiil ka ah guddiga Midowga Afrika."

Waajibaadka danire Mohammed El-Amine Souef ayaa ah inuu xiriir dhow oo joogto ah la yeesho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee Soomaaliya ee taageeraya hirgelinta qorshaha kala-guurka ee iyo geeddi-socodyada ballaaran ee dowlad-dhisidda Soomaaliya

Waxa kale oo uu si dhow ula shaqayn doonaa urur-goboleedka IGAD iyo dalalka xubnaha ka ah, iyo sidoo kale saaxiibada labada dhinac iyo kuwa badan oo ay khusayso sida Qaramada Midoobay (UN) iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Midowga Yurub (EU).

Si taas la mid ah, Guddoomiyaha  Midowga Afrika waxa uu si qoto dheer ugu mahadnaqay Danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay Mozambique oo xilkaan horey u hayey muddo 6 sano ah kaas oo uu ku ammaanay inuu si wacan u gutay waajibaadkii loo igmaday.

El-Amine Souef oo ah 59 jir ayaa 2011 illaa 2015 soo ahaa madaxa howlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika ee gobolka Darfur ee dalka Sudan, howlgalkaas oo loo yaqaan UNIMID (United Nations-African Union Mission in Darfur).  

Waxa uu sidoo kale 2015 illaa 2017 madax ka ahaa howlgalka QM ee waqooyiga dalka Mali, kaasi loo soo gaabiyo MINUSMA.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog