GURIGA »
somalia
» Jenaraal Caanood "Deegaanka Ceelhareeri ciidankeenu wuxu ku arkay arrin yaab leh oo aan horey noo soo marin"
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya
Cabdullaahi Cali Caanood oo shalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho
ayaa faahfaahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyay dagaalkii Cuslaa ee maalin ka
hor ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.
Afhayeenka ayaa warbaahinta ka hor sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa
deegaanka markii ay gudaha u galeen deegaanka Ceelhareeri ay la kulmeen dhacdo
la yaab noqotay oo uu ku sheegay in ciidamada iskaashanaya ay difaacyadii
Shabaabka laga saaray ugu tageen meydadka dhalinyaro toban toban isugu xiran oo
bam lagu qarxiyey, iyadoo qaarkoodna ay rasaas ku tiilay, isagoo arintaasi ku
tilmaamay inay cadeyneyso in la soo raafay dhalinyaradaasi.
"Ciidamada xoogga dalka waxay ku arkeen deegaanka Ceelhareeri arrin la
yaab leh oo aan horey noo soo marin dhalinyarada maleeshiyada Al-Shabaab oo
toban toban ka tiinad ugu xiran tahay xabadduna ku wada taalo qaarna bam lagu
qarxiyay ay ku dhinteen, ayay ugu tageen difaacyada shabaab, taasina waxay
daliil u tahay dadka inay soo raafeen oo ay soo qasbeen oo laga cararayo oo qof
walba rabo inuu ka cararo, maadaama ay qasbayaan” ayuu yiri Jenaraal
Cabdullaahi Cali Caanood
Wuxuu intaasi ku daray Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya in tirada
boqolaalka ee Shabaab looga dilay dagaalkii ka dhacay Ceelhareeri ineysan wada
aheyn dhamaan dagaalamayaasha Shabaab oo ay ka qeyb ka ahayeen dhalinyaro lasoo
raafay, waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Arrinta ka dhacday Ceelhareeri waxay muujineysa boqolka qof ka badan ee
dhintay ineysan wada aheyn Al-Shabaab” ayuu yiri Jenaraal Caanood.
Shalay ayay aheyd markii Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ay shaacisay in
dagaalkii ka dhacay Ceelhareeri lagu dilay in ka badan 100 dagaalameyaal ka
tirsan Al-shabaab.
0 Comments:
Post a Comment