Thursday, November 3, 2022

Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan, soona dhaweynayaan go’aanka Golaha Ammaanka ee lagu cusboonaysiiyay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

 

go’aanka Golaha Ammaanka

 
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2657 ee ahaa in dib loo cusboonaysiiyo howlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmeynta Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in ay taageerayaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Lana Nusseibeh, oo ah Ergeyga Joogtada ah ee Imaaraadka Carabta u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa ku celisay sida ay uga xun tahay Soomaaliya, kaddib qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho 29-kii October.

Golaha Ammaanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo Soomaaliya, marka laga soo tago saaxiibada kale.
Xubnaha Goluhu waxay ku booriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii qoto dheeraato wadashaqeynta iyo wada shaqeynta heer kasta,

isla markaana ay meelmariso Qorshaha Amniga Qaranka iyo Qorshaha kala guurka, horumarinta dib u heshiisiin siyaasadeed, mid qaran iyo mid deegaan, horumarna laga gaaro dhameystirka dastuurka iyo la dagaalanka Al-Shabaab. si loo sugo nabadda iyo amniga guud ahaan dalka.

 

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog