Wednesday, February 16, 2022

Imaaraatka Carabta ayaa xoojiyay go’aankooda ku aadan in Soomaaliya ay ka baxdo dhibaatada ka jirta.

Maanta, Imaaraadku wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay ka go'an tahay inay caawiyaan Soomaaliya.




 Imaaraadku maanta waxa ay xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay la shaqaynta iyo wada shaqaynta Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka, iyo in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo lagu horumarinayo nabadda, barwaaqada iyo xasilloonida Soomaaliya. Imaaraatka Carabta ayaa ka warbixiyey, fadhi golaha amaanka uu ka yeeshay xasaradaha ka jira Soomaaliya.

Dadaalka cajiibka ah ee ay sameeyeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee lagu taageerayo Soomaaliya, iyo Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo bixiyo taageerada lagama maarmaanka ah ee Soomaaliya. Imaaraadku wuxuu khudbadiisa ku sheegay in shirka golaha ammaanka uu kusoo beegmayo xilli Soomaaliya ay ka jirto xaalad adag oo bini’aadantinimo, amni iyo mid deegaan.

Duruufahani waxay u baahan yihiin dadaallo caalami ah oo dhamaystiran oo looga dan leeyahay in wax lagaga qabto dhammaan caqabadaha. Waxay carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in diiradda la saaro taageeridda tubta siyaasadda oo saldhig u ah in Soomaaliya nabad waarta lagu gaaro, iyo in dhammaan dhinacyada ay khusayso lagu dhiirri-geliyo inay ka qayb-qaataan wada-hadallo wanaagsan iyo in la gaaro xal iyo doorasho cusub oo lagu xalliyo dhammaan dhibaatooyinka Soomaaliya.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog