GURIGA »
news
» Madaxweynaha Soomaaliya oo Nayroobi uga qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee Isbadalka Cimilada
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi
uu hoggaaminaayo oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa goordhaw gaaray
magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma
Kiyata kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua wasiirka
Gashaandhiga kenya Adan Barre Ducaale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan
dowladda Kenya.
Ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay u tageen magaalada
Nairobi ee dalka Kenya ayaa ah ka qeyb galka Shirweynaha 6-aad ee arrimaha
deegaanka iyo isbedelka Cimilada, kaasoo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan
oo ka socda qaar ka mid ah dalalka Calaamka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo gooni gooni ah la qaato
mudada uu ku sugan yahay magaalada Nairobi qaar ka mid ah madaxda ka qeyb
galeysa shirka.
Madaxda ka qeyb galeysa shirkaan waxaa ka mid Raysal wasaaraha dalka
Itoobiya Abiy Axmed oo dhawaan kusoo xadgudbay Midnimada iyo madax banaanida
dhuleed ee Soomaaliya, kaasoo shalay isna gaaray Nairobi.
0 Comments:
Post a Comment